Maxaa Sababay in Musharaxu xiligan tartamo?

  • Hubanti la'aanta siyaasadeed ee ka jirta Puntland.
  • Baahida Bulshadu u qabto isbadel taabo gal ah.
  • Saluuga bulsho ee ku aadan maamulka jira iminka.
  • Tayo xumada iyo qorshe la'aanta mucaaradka.
  • Baahida bulshadu u qabto helista hogaan cusub oo daacad ah.

meet

Ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee Musharax Faarah Aw-Cismaan ku xambaartay inuu xiligan adag isa soo sharaxo.

Maxaa yeelay, Faarax waa hogaamiye leh dareen wadaniyadeed, danqasho dadnimo iyo damiir Islaanimo. Waa hogaamiye bulsho oo mudo dheer u adeegayay ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland gudo iyo dibadba. Waa hogaamiye ka duwan kuwii hore iyo kuwa iminka siyaasadda ku hardamayaba. Waa hogaamiye la iman doona hanaan dowladeed iyo horumar ay bulshu ku diirsan doonaan. Musharaxu wuxuu dejiyay qorshe wax-qabad oo toban qodob ka kooban, qorshahaas oo ka turjumaya baahiyaha bulsho, nololeed, amni, midnimo, dhaqan-dhaqaale iyo horumarineed ee reer Puntland ay hamuunta u qabaan. Musharaxu waa hogaamiye leh aqoon sare oo maadi ah iyo mid diimeedba, waa mideeye, xalaal quudad ah oo ilaalin doona amaanadda ummadda, lana dagaalami doona; eexda, laaluushka, cadaalad-darada, musuqmaasuqa, qabyaalada iyo wax kasta oo ummadda reer Puntland sharafteeda, sumcadeeda, midnimadeeda, horumarkeeda iyo dowladnimadeeda wax u dhimaya.

Akhriso Barnaamijka Wax-qabad ee hogaamiye Faarax & Arimaha uu u dagaalami doono ka Madaxweyne ahaan.​

Kor u Qaadista Adeegyada Bulsho sida: Caafimaadka iyo Waxbarashada

Hadii aan xilka a ku guulaysano, waxaan dib u habayn buuxda ku samayn doonaa adeegyada...

Wax ka Qabadka Sicir-bararka Quud-daruuriga iyo Korontada

Waxaan samayn doonaa hay’ad xaqiijisa in quudka daruuriyaadka ah had iyo goor la heli karo. ...

La Dagaalanka Maandooriyaha iyo Daryeelka dadka Dhimirka Qaba

Maandooriyuhu wuxuu aad ugu faafay dhamaan geyiga Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana Puntland.  Dhalinyaro aad...

Wacyigelinta, Jihaynta iyo Shaqo-Abuurka Dhalinyarada

70% mushtamaca Soomaaliyeed waa dhalinyaro da’doodu ka yar tahay 30 sanno.  Marxaladaha xirfad daro, shaqo...

Fududaynta Maalgashiga iyo dhismaha Kaabayaasha Dhaqaale

Puntland waa deegaan dihan, oo leh khayraad bari, bad, buuro iyo beeraba, sidaa awgeed, waxaan...

Xiriirka Puntland iyo Federaalka iyo Difaaqa Danaha iyo Deegamaada Puntland:

Xiriirka Dowlada Puntland iyo Dolwada Federaalku waa mid muhiim ah, una baahan in si taxadar...

Ilaalinta Amaanada Shacabka iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa

Waxaan dhisi doonaa Hay’ad madax-banaan oo ay hogaanka u hayaan aqoonyahanno ay shacabku kalsooni ku...

Doorashooyinka qof iyo cod, wada lahaanshaha dowlada iyo u sinaanta sharciga iyo cadaaladda.

Waxaan dib u eegis ku samayn doonaa Dastuurka Puntland, xeerarka doorashooyinka iyo xubhana matalaada baarlamanka...

Horumarinta Dhul-Xeebeedka iyo Deegaamada Laamiga ka Fog

Puntland waxay leedahay dhul xeebeed aad u dheer iyo magaalooyinka caan ku ahaa xadaarado fac-weyn...

Midaynta iyo Xoojinta Doorka Issimada Dhaqanka:

Bulshada reer Puntland waxay leedahay labo hogaan oo labaduba muhiimadooda gaarka ah leeyihiin, waa hogaanka...

Ka Qayb Qaado Ololahayaga Doorasho

Midnimo bulsho oo qura ayaana guushu ku iman kartaa,  hadaba, si aanu taariikh lagu naaloon karo u horseedno, fadlan kaalay oo wakhtigaaga ku tabaruc, qaybna ka noqo isbadal doonka Bulsho.

Nagu soo biir hada!

Hadafkayagu waa in bulshadu wada guulaysato heshana hogaan iyo dowlad u qalanta!

Wakhtigu Wuu Is Gurayaa!

Hadaba si aanu u gaarno guul, una horseedno waa-cusub oo ifaya, adiga iyo ubadkaaguna ku naaloon doontaan, fadlan, tabarucaad dhaqaale u fidi ololaheena doorasho si aan u wada guulaysano!

Don’t miss any updates

mission & vision

Campaign Contribution

our campaign is powered by contributions
from supporters like you

0 .00

Raised by campaign contributions

Latest Videos

Khudbadii Musharax Madaxwaynaha Puntland 2024 Faarax Mahamud Aw-Cismaan uu ka jeediyey Munaasabada Bandhiga Barnaamij siyaasadeedkiisa oo lagu qabtay Magaalada Garowe .

Musharrax Madaxweyne Puntland, Faarax Aw Cismaan oo la hadlay xildhibaannada iyo shacabka Puntland.

Musharrax Faarax Aw-Cisman: "Xulis baarlamaan oo dhacda oo doodi aysan ka dhalan ma jirin; laakiin xabbad ma gaari jirin, handadaad amni xumana ma gaari jirin."