about

Musharaxa

Dhalashadiisii

Faarax Maxamuud Aw-Cismaan wuxuu ku dhashay caasimada Puntland ee Garoowe. Wuxuu ka yimid guri iyo qoys dhaqan iyo diin ku caan ah, geyiga Soomaaliyeedna aad looga qadariyo.  

Wuxuu Faarax ka dhashay qoys balaaran oo ka koobnaa dhowr iyo labaatan walaalo ah, waxaana aabihii ku samiyay Abtigii Faarax Maxamud Sugulle "Faarax Dacay" oo ahaa hogaamiyihii "Canjeel Tala-Waa", ahaana aabihii dhalay Col. Jaamac Faarax Maxamuud "Koosafaare", oo ahaa Taliyihii Ciidanka Daraawiista Soomaaliyeed.

Musharuxu wuxuu ku barbaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu waxbarashadiisa ku dhamaystay.

Musharaxa

Aabihii

Aabihii, Xaaji Maxamuud Aw-Cismaan wuxuu ka mid ahaa sadexdii qof ee ugu horeeyay ee aasaasay Magaalada Garoowe.  Xaajigu wuxuu ahaa caalim diineed, caaqil dhaqan iyo ganacsade.  Xaajigu wuxuu aad muhiimad gaar ah usiin jiray tacliiinta, isagoo ubadka magaaladaasi aabe oo kale u ahaa kuna dhiiri gelin jiray inay waxbartaan. 

Xaajigu wuxuu codsigeedii iyo sababteediiba lahaa in Garowe laga hirgeliyo Dugsiga Sare ee Gambool.

Wuxuu kaloo gacantiisa wax kaga dhisay taageeradeedana lahaa dugsiga Dhexe ee Garoowe "kaas oo maanta loogu magac daray isaga looguna yeero "Dugsiga H/Dhexe Maxamuud Aw-Cisman", dugsigaas oo ay sababteeda lahaayeen Peace Corps ka  Maraykanka.

Musharaxa

Hooyadii

Hooyadii, Maryama Abyan Cali Seed, waxay ahayd hooyo dhalasho ayaan ka soo jeeda gobolka Sool, ahayd hooyo ganacsato ah, waxayna caan ku ahayd daryeelka, u naxariisashada iyo uruurinta ubadka agoontaa iyo kuwa aan hooyo daryeesha haysan.

Hooyadii waxay ahayd qof naxariis badan oo dadku ku soo wada hirto, xariirka qaraabada iyo ehelkana uu aad ugu weynaa, had iyo goorna gurigeedu ahaa meel lagu soo hirto oo camiran. 

Musharaxa

Waxbarashadiisii

Musharaxu wuxuu waxbarashadiisa bilow ilaa heerka ugu sareeya ka dhigtay magaalada Muqdisho. Wuxuu kale oo Shahaadada heerka dhexe ee Jaamacadeed ka qaatay Dalka Kanada.

Culuumta uu tashasuska ku haysto waxaa ka mid ah: Adeega Bulsho (Social Work), Amniga Bulsho (Public Safety) , Xalinta Khilaafaadka (Conflict Resolution) iyo Maamulka iyo Maaraynta.

Tacliinta maadigaa ka sokow, Musharuxu wuxuu ahaa nin isagoo yar hana qaaday, dhalintii la da'da ahaydna ka garasho iyo garaad sareeyay. Wuxuu ahaa nin qadariya saaxiibnimada, xiiriya ehelka iyo qaraabada, dadka duruufaha aduunku hayaana u hiiliya.

Hal Abuurkiisa

Musharaxu kuma ekeen oo qura inuu Jaaliyadaha Qurbaha ku dhaqan wax taro, balse wuxuu ahaa shaqsi garowsan meeshuu ka yimid iyo duruufaha ay dadkiisu ku sugan yihiin, sidaa awgeed, wuxuu marar badan keenay deegaamada Puntland (iyo Soomaliya inteeda kalena) deeqo dawo iyo agab kaleba.

Musharaxu wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Gollaha Qurbajoogta Puntland (PDF) ee lagu unkay Garoowe 2008, gollahaasi oo uu gudoomiye u ahaa mudo dheer.

Sidoo kale, wuxuu wax ka aasaasay ururka Somali Centre for Family Services, Shariikhada Ard-Aluban, Canadian Friends of Somalia iyo Centre for Resilience and Social Development oo uu maanta madax ka yahay.

Wuxuu Musharuxu ka mid ahaa oo dhawaan iska casilay guddi 12 qof ah oo Dowlada Kanada kala taliya arimaha amniga, sida: ka hortaga argagaxisada iyo faragekinta shisheeyuhu ku hayaan doorashooyinka dalkaasi.

Hogaamiye Camali ah

Musharaxu maaha oo keliya shaqsi hal abuur leh, balse waa hogaamiye camali ah oo wax qabad leh. Wuxuu abaabulay shirar badan oo dhibaatooyinka Ummada haysa looga arinsanayo sida shirkii Dib u dhiska Soomaaliya, Kii ka hortaga Xagjinimada, Midkii Wax ka Qabadka Abaaraha iyo Aafooyinka iyo kii ugu danbeeyay ee Garoowe ka dhacay 2022 kaas oo looga arinsanayay sidii wax looga qaban lahaa Baahiyada Caafimaad (loona unki lahaa Cisbitaal weyn ee kabi kara baahida Caafimaad ee ka Jirtaa Puntland), korna loogu qaadi lahaa Tayada Waxbarasho.

Waxaanu u dagaalamaynaa daryeelka bulsho iyo mustaqbalka ubadkeena.

Shaqo-Qaran

Wuxuu Musharaxu ka mid noqday lodkii ugu mudada dheeraa ee guta waajibka shaqo qaran.  Tababarka ciidana wuxuu ku qaatay xerada Xalane. Ka dib, wuxuu ku biiray ciidankii madaafiicda goobta ee Dayniile, isagoo ka mid ahaa ciidankii Soomaaliyeed ee dhoolatuska la sameeyay Ciidamaada Maraykanka, kaas oo ka dhacay deegaanka Cadale. 

Musharaxu wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii kasoo baxday Isluulaadka Farsamada Gacanta, isagoo kasoo shaqeeyay Warshada Sibirka ee Berbera. 

Musharaxu wuxuu abaabulay, hormuudna ka ahaa mudahraad ka dhacay Warshada Sibirka ee Berbera kaas oo loogu dagaalamayay xuquuqda shaqaalaha, wuxuuna handadaad iyo caga juglayn xabsi kala kulmay maamulkii warshada iyo kuwii degmadaba.

Wax Qabadkiisii

Musharuxu maadaama uu ka dhashay qoys kasoo horjeeday nidaamkii shuuciyada ee keligii taliska ahaa, qoyskiisuna tacadiyo dil iyo xabsiba kala kulmeen nidaamkaas, ayuu isagoo dhalinyar ka baxsaday dalka, tagayna dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay UN-tu u aqoonsatay inuu yahay laaji siyaasadeed kadibna loo qaaday dalka Canada.  Intuu halkaa joogay waxbarashadiisii ayuu sii watay ilaa heer Jaamacadeed.

Musharaxu wuxuu ka mid ahaa hogaamiyahaashii bulsho ee ugu horeeyay ee Kanada ka unkay urruro Jaaliyadeed.  Wuxuu wakhti iyo juhdi badan u huray sidii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaa joogta u noqon lahaayeen dad sharaf iyo karaamo ku nool. 

Wuxuu hal abuurkeeda lahaa mashariic Malaayiin Doolar ku baxday oo waxtar u yeeshay badbaadada ubadka iyo taakulada qoysaska Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan, sidoo kale uu shaqo u abuuray dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Sooyaalka Hogaamiyenimo ee Musharaxa

Musharaxu wuxuu ka yimid qoys culimo fuqahaa ahaa iyo guri xadaarad fac-dheer, caana ku ah inay dadka iyo dalka u khidmeeyaan. Awoowgiis Sheekh Cabdiraxmaan Faqi Kheyre wuxuu ahaa Caalim Diineed oo Nugaal caan ka ahaa, ahaana aasaasihii degmada Sinujiif, halkaas oo uu ku hayay Xer uu culuumta Islaamka ku bari jiray.

Waxaa kale oo awoowgii ahaa Al-Calaama Xaaji Cali Cabdiraxmaan "Xaaji Cali Majeerteen" oo ahaa Caalim Dineed, gabyaa baliiq ku ah luqado badan, mufakir saxwada Islaamka ee Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeedba caan ka ahaa, qorayna kutub ilaa 11 ah. Xaajigu wuxuu unkay xerna ku haystay deegaanka Xalin oo Sool ku yaal iyo Deegaanka Cagaaran oo Shabeelada Hoose ku yaal. Ardaydii Xaajiga ka aflaxdayna waxaa ugu caansanaa Sheikh Cabdul-Aziiz Al-Amawi oo noqday Muftigii Zanzibaar ee Suldaan Saciid Barqash. Xaaji Cali wuxuu ahaa ninkii horseedka u ahaa nabada ay beelaha Bariga Soomaaliya ku wada degan yihiin maanta, ahaana ninkii beelaha Soomaaliyeed ee Koonfurta kunool ka xoreeyay Saldanadii Carabtu u talin jireen.

Walaalkii Dr.Ummad wuxuu ahaa ninka keliya ee uu Keligii-taliyihii Siyaad Bare dalka dibadiisa ku dilay, isagoo lagu dilay Magaalada Jabuuti 1981. Dr. Ummad wuxuu ka mid ahaa dadka ka horyimid nidaamkii keligii talisnimada iyo shuuciyada diinta Islaamka hadimada ku ahayd.

Sidaa awgeed, Musharaxu sifahiisa hogaamiye iyo isbadel doon waa mid sinji uu u leeyahay, daryeelkiisa iyo u danqashada dadkiisuna waa dhaxal ay walaalihii iyo waalidkiis uga tageen. Maaha shaqsi dantiisa gaarkaa keliya fiiriya, balse waa hogaamiye wanaaga iyo wadajirka bulsho, cadaaladda iyo sinaanta, iyo helista horumar dadku u wada siman yihiin had iyo goor u dagaalama. Hadii uu xilka hogaamiye ku guulaystana waa shaqsi laga filan karo inuu isbadel weyn oo lagu naaloodo iyo waa cusub u horseedi doono shacabka Puntland iyo Soomaaliba.