Kor u Qaadista Adeegyada Bulsho sida: Caafimaadka iyo Waxbarashada

Hadii aan xilka a ku guulaysano, waxaan dib u habayn buuxda ku samayn doonaa adeegyada waxbarsho iyo caafimaad ee Puntland, annagoo la kaashanayna khubarada waxbarasho, caafimaad iyo daryeelka bulsho.  Waxaan dejin doonaa qorsho xaqiijin doonaa in ubadka Puntland helaan waxbarasho, caafimaad iyo adeeg bulsho oo tayo leh.  Waxaan dhisi doonaa Hay’ad qaabilsan xaqiijinta aqoonta iyo xirfadaha kalkaaliyayaasha caafimaad, farsamo yaqaanada shaybaarada, takhaadiirta iyo barayaasha ka howlgala xarumaha waxbarasho iyo caafimaad ee Puntland.  Waxaanuna awooda saari doonaa inaysan xarumahaasi ka howlgelin cid aan shati shaqo u haysan bixinta adeegyada caafimaad iyo waxbarasho si loo xaqiijiyo tayada adeegyada  xarumahaas.  Waxaan awood saari doonaa in manaahijta waxbarasho noqdaan kuwo midaysan, si loo ilaaliyo tayada iyo aqoonta la barasho ubadkeena.   Waxaanu hiigsan doonaa, Ilaahay idankiisna xaqiijin doonaa in ubadka reer Puntland helaan waxbarsho iyo caafimaad bilaash ah.