Fududaynta Maalgashiga iyo dhismaha Kaabayaasha Dhaqaale

Puntland waa deegaan dihan, oo leh khayraad bari, bad, buuro iyo beeraba, sidaa awgeed, waxaan dejin doonaa qorshe maalgashi oo hirgeli kara oo ku salaysan khayraadka dalka ceegaaga iyo baahiyaha bulsho.  Waxaan samayn doonaa howl-fududayn iyo taageerooyin soo jiidan kara maal-gashadayaasha sida; siin dhul, canshuur dhaaf iyo maalgashi ay ku midaysan yihiin dowlada iyo shariikadaha gaarka loo leeyahay –  public private partnership (PPP) iwm.., si ay ugu dhiiradaan ganacsatada gudaha iyo dibaduba inay dalka maalgashadaan, shaqo abuurna ugu sameeyaan dhalinyarada.  Waxaan xoojin doonaa arimaha aasaaska u ah maalgashiga iyo isu-socodka badeecadaha sida: Bangiyo caalami ah, xeerar iyo sharciyo ilaalinaya hantida iyo xaqa maalgashadaha, iyo dhismaha iyo casriyaynta kaabayaasha dhaqaale.