Ilaalinta Amaanada Shacabka iyo la Dagaalanka Musuqmaasuqa

Waxaan dhisi doonaa Hay’ad madax-banaan oo ay hogaanka u hayaan aqoonyahanno ay shacabku kalsooni ku qabaan, kuwaas oo awood buuxda u haysan doona kor u qaadista maamul wanaaga, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ka hortaga dhunsashada xoolaha dadweynaha.  Waxaan dib u eegis ku samayn doonaa qaab-dhismeedka maamul iyo maarayn ee wasaaradaha, iyo laamaha kale ee dowlada.  Waxaan samayn doonaa dowlad kooban oo ku salansan baahida Puntland, anagoo howl wadeenada iyo madaxdaba siin doona mushahaar iyo gunno u qalanta, taas oo ay kaga fursan doonaan inay hawaystaan ama ku tagri falka hantida dowlada iyo dadweynaha ee lagu aaminay.