Midaynta iyo Xoojinta Doorka Issimada Dhaqanka:

Bulshada reer Puntland waxay leedahay labo hogaan oo labaduba muhiimadooda gaarka ah leeyihiin, waa hogaanka siyaasada iyo hogaanka dhaqanka.  Labadaa hogaan waa kuwo is hareer socda, laakiin mid kastaa leeyahay door u gaar ah, sida in hogaanka Siyaasadu masuul ka yahay dowladeed iyo masiirka siyaaasadeed iyo maamul ee deegaamada Puntland, halka, hogaanka dhaqankuna ay masuul ka yihiin beelaha kala duwan ee reer Puntland, nabadaynta bulshada iyo samo ka talinta.  Sidaa awgeed, Waxaa maamulkayagu xooga saari doonaa inaan ka shaqayno midnimada iyo doorka hogaanka dhaqanka, maxaa yeelay waa door lama huraan ah, ayna waajib dowlada ku tahay inay xoojiso, la shaqayso, lana timaado siyaasad iyo qaab aburi kara jawi kalsooni iyo wada shaqayneed.   Maamulkayagu waxay abuuri doonaan waax (Xafiis) hoosyimaada Wasaarada Arimmaha Gudaha oo qaabilsan xiriirka, taakulaynta iyo wada shaqaynta Issimada Dhaqanka.