Bulshada reer Puntland waxay leedahay labo hogaan oo labaduba muhiimadooda gaarka ah leeyihiin, waa hogaanka siyaasada iyo hogaanka dhaqanka. Labadaa hogaan waa kuwo is hareer socda, laakiin mid kastaa leeyahay door u gaar ah, sida in hogaanka Siyaasadu masuul ka…
Puntland waxay leedahay dhul xeebeed aad u dheer iyo magaalooyinka caan ku ahaa xadaarado fac-weyn iyo xiriiro ganacsi oo caalami ah. Nasiib daro, waxaa muuqata in shacabkii ka soo hayaameen magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee Xeebaha iyo dhulkii miyigaba, dadkiina ay…
Waxaan dib u eegis ku samayn doonaa Dastuurka Puntland, xeerarka doorashooyinka iyo xubhana matalaada baarlamanka Puntland, si loo helo Dastuur ku dhisan heshiis bulsho oo dhab ah, xeerar Doorasho oo isla ogol ah, iyo xubno baarlamaan oo matalaad dhab ah…
Waxaan dhisi doonaa Hay’ad madax-banaan oo ay hogaanka u hayaan aqoonyahanno ay shacabku kalsooni ku qabaan, kuwaas oo awood buuxda u haysan doona kor u qaadista maamul wanaaga, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ka hortaga dhunsashada xoolaha dadweynaha. Waxaan dib u…
Xiriirka Dowlada Puntland iyo Dolwada Federaalku waa mid muhiim ah, una baahan in si taxadar leh loola falgalo. Hadaba, si loo xaqiijiyo in xiriirkaasi noqdo mid miro-dhal ah, isla xisaabtan run ah xambaarsan, xaqa iyo xuquuqaha Puntland uga maqan Federaalkana…
Puntland waa deegaan dihan, oo leh khayraad bari, bad, buuro iyo beeraba, sidaa awgeed, waxaan dejin doonaa qorshe maalgashi oo hirgeli kara oo ku salaysan khayraadka dalka ceegaaga iyo baahiyaha bulsho. Waxaan samayn doonaa howl-fududayn iyo taageerooyin soo jiidan kara…
70% mushtamaca Soomaaliyeed waa dhalinyaro da’doodu ka yar tahay 30 sanno. Marxaladaha xirfad daro, shaqo la’aaneed iyo rajo xumo ee haysata dhalinta Soomaaliyeed waa mid aad u daran. Hadaba, si wax looga qabto baahiyaha dhalinyarada, waxaan xaqiijin doonaa in waxbarashada…
Maandooriyuhu wuxuu aad ugu faafay dhamaan geyiga Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana Puntland. Dhalinyaro aad u fara badan oo rag iyo haweenba leh ayuu saamayn weyn oo caafimaad iyo nololeedba u gaystay. Sidoo kale, wuxuu maandooriyuhu saamayn weyn ku yeeshay…
Waxaan samayn doonaa hay’ad xaqiijisa in quudka daruuriyaadka ah had iyo goor la heli karo. Hay’adaasi waxay kale oo ilaalin doontaa tayada iyo bad-qabka quud-daruuriga iyo dawada dalka la keenayo iyo sicirka quud-daruuriga iyo dawada inuu noqdo mid aan dhiig-miirad…
Hadii aan xilka a ku guulaysano, waxaan dib u habayn buuxda ku samayn doonaa adeegyada waxbarsho iyo caafimaad ee Puntland, annagoo la kaashanayna khubarada waxbarasho, caafimaad iyo daryeelka bulsho. Waxaan dejin doonaa qorsho xaqiijin doonaa in ubadka Puntland helaan waxbarasho,…