Doorashooyinka qof iyo cod, wada lahaanshaha dowlada iyo u sinaanta sharciga iyo cadaaladda.

Waxaan dib u eegis ku samayn doonaa Dastuurka Puntland, xeerarka doorashooyinka iyo xubhana matalaada baarlamanka Puntland, si loo helo Dastuur ku dhisan heshiis bulsho oo dhab ah, xeerar Doorasho oo isla ogol ah, iyo xubno baarlamaan oo matalaad dhab ah haysta kana kooban dhamaan bulshada reer Puntland.  Waxaan si shacabku u dareenmo inay dowlada wax ka leeyihiin si daah furan  u xaqiijin doonaa in la dhamaystiro nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka qof iyo cod.   Si sharci, garsoor iyo cadaalad loo siman yahay bulshadu u hesho, waxaan dib u habayn buuxda ku samayn doonaa laamaha garsoorka iyo cadaalada, anagoo dib u eegis buuxda ku samayn doonaa tayada iyo aqoonta shaqaalaha garsoorka iyo cadaalada, laamaha danbi baarista iyo amniga, iyo kuwa xabsiyadaba.  Waxaan guddi u saari doonaa soo baara dadka xabsiyada Puntland ku jira, sababaha ay u xiran yihiin, inay cadaalad heleen, iyo xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin.