Puntland waxay leedahay dhul xeebeed aad u dheer iyo magaalooyinka caan ku ahaa xadaarado fac-weyn iyo xiriiro ganacsi oo caalami ah. Nasiib daro, waxaa muuqata in shacabkii ka soo hayaameen magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee Xeebaha iyo dhulkii miyigaba, dadkiina ay ku soo uruureen magaalooyinka waaweyn ee laamiga ku teedsan. Sababaha ugu weyn oo taa kaliftayna ay tahay horumar xumada dhulka ka for laamiga. Sidaa awgeed, maadaama khayraadka badeed, beero iyo beriba laga helo xeebaha iyo dhulka kale ee laamiga ka for, waxaan dejin doonaa qorshe horimarineed oo dhamaystiran kaas oo kor loogu qaadayo dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee dhul-xeebeedka iyo deegaamada laamiga ka fog. Horumarintaasi waxay soo jiidan doontaa maalgashi, shaqo abuur iyo in dadku ku nagaado, dibna ugu soo noqdo deegaamadaasi. Waxaa kale oo aan samayn doonaa in dakhliga ka soo xerooda deegaamadaasi in badan oo ka mid ah dib loogu celiyo mashaariicda horumarineed ee deegaamadaasi.