La Dagaalanka Maandooriyaha iyo Daryeelka dadka Dhimirka Qaba

Maandooriyuhu wuxuu aad ugu faafay dhamaan geyiga Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana Puntland.  Dhalinyaro aad u fara badan oo rag iyo haweenba leh ayuu saamayn weyn oo caafimaad iyo nololeedba u gaystay.  Sidoo kale, wuxuu maandooriyuhu saamayn weyn ku yeeshay amniga bulsha ee Puntland.  Sidaa awgeed, waxaan qaban doonaa shirweyne looga arinsanayo wax ka qabadka maandooriyaha.  Shirkaasi waxaan diirada daasi doona ka hortaga iyo dabargoynta maandooriyaha iyo daryeelka dadka isticmaala.  Waxaan abuuri doonaa wacyigelin aan siindoono waalidiinta iyo ubadkaba, anagoo wacyigelintaas ka bilaabi doonaa xarumaha waxbarasho iyo goobaha kale ee bulshadu isugu timaado.  Ugu danbaysna waxaan hirgelin doonaa xarumo lagu xanaaneeyo dhalinta dhibaatada maandooriyaha la il daran.   Sida cilmi baaris badan sheegtay, sadexdii qof ee Soomaaliya ku nool qof ka mid ah ahaa qaba cudurka dhimirka.  Dadkaasi ma helaan daryeel, mana helaan dawo iyo dad caawiya oo aqoon u leh dhimirka.  Sidaa awgeed, waxaan samayn doonaa xarumo lagu daryeelo dadka dhimirka qaba, waxaanuna howl gelin doonaa dhalinyarada soo baratay adeegyada bulsho (Social Work) iyo daryeelka dhimirka (psychotherapy).  Waxaan xiri doonaa xarumaha aan caafimaad ahaan, aqoon ahaan iyo daryeel ahaanba waxba tarayn dadka dhimirka qaba, balse qarkood uga sii daraan xaalada caafimaad ee dadkaasi.