Wacyigelinta, Jihaynta iyo Shaqo-Abuurka Dhalinyarada

70% mushtamaca Soomaaliyeed waa dhalinyaro da’doodu ka yar tahay 30 sanno.  Marxaladaha xirfad daro, shaqo la’aaneed iyo rajo xumo ee haysata dhalinta Soomaaliyeed waa mid aad u daran.  Hadaba, si wax looga qabto baahiyaha dhalinyarada, waxaan xaqiijin doonaa in waxbarashada sare ee la siinayo dhalinta reer Puntland ay noqoto mid ku salaysan baahiyaha shaqo iyo horumarineed ee dalka yaal, si loo xaqiijiyo in dhalintu shaqo hesho markay waxbarashada soo dhamaystaan.   Waxaan canshuur dhaaf siin doonaa shariikadaha ganacsi ee shaqaalaysiiya dhalinyarada xirfadlayda ah.  Sidoo kale waxaan samayn doonaa xarumo lagu tababaro dhalinyarada korna looqu qaado xirfadahooda shaqo, kuwaas oo ay iska kaashanayaan, dowlada, shariikadaha ganacsi iyo ururada aan dowliga ahayn.   Fursadaha shaqo ee ka soo baxa dowlada waxay noqon doonaan kuwo si daahfuran loogu tartamo, si dhalinta dalka wax u soo baratay ay fursadahaas uga faa’iidaystaan.