Wax ka Qabadka Sicir-bararka Quud-daruuriga iyo Korontada

Waxaan samayn doonaa hay’ad xaqiijisa in quudka daruuriyaadka ah had iyo goor la heli karo.  Hay’adaasi waxay kale oo ilaalin doontaa tayada iyo bad-qabka quud-daruuriga iyo dawada dalka la keenayo iyo sicirka quud-daruuriga iyo dawada inuu noqdo mid aan dhiig-miirad ahayn.  Si shacabku u helo quud daruuriyaad ay awoodi karaan inay iibsadaan, waxay dowladuna waxay samayn doontaa in canshuurta ugu jaban laga qaado quud-daruuriyaadka.  Dhinaca kale, korantadu waxay halbowle u tahay soo jiidashada maalgashiga ,hirgelinta warshadaha iyo kor u qaadka ganacsiga.  Sidaa awgeed,  Dowladu waxay dhiiri gelin doontaa korantada laga dhaliyo dabaysha iyo qoraxda, maadaama dalkeenu labadaba hodan ku yahay, si shacabka iyo ganacsataduba u helaan koronto sicir jaban oo ay awoodi karaan.