Xiriirka Dowlada Puntland iyo Dolwada Federaalku waa mid muhiim ah, una baahan in si taxadar leh loola falgalo. Hadaba, si loo xaqiijiyo in xiriirkaasi noqdo mid miro-dhal ah, isla xisaabtan run ah xambaarsan, xaqa iyo xuquuqaha Puntland uga maqan Federaalkana loo soo dhacsho, waa inaysan Puntland cidna marti uga noqon doorka uga aadan wax ka dhihista iyo difaaca Dastuurka dalka, Dhismayaasha Ciidan, Deeqaha iyo daymaha magaca Soomaaliyeed lagu soo qaadayo, heshiisyada caalamiga ah iyo ilaalinta iyo qaybinta khayraadka dalka. Amnigu waa aasaaska nolosha, sidaa awgeed, waxaan dejin doonaa qorshe cilmi, caqli iyo waaqic ku qotoma oo wax looga qaban doono amni-darada ka jirta Puntland, mid argagixiso, mid cabtooy iyo mid cadow kaleba. Waxaan samayn doonaa tirakoob iyo xaqiijin lagu eegayo tirada, tayada, tababarka iyo taagta ciidamada kala duwan ee Puntland. Si kaadiriin lagu aamini karo amniga bulsho loo helo waxaan xaqiijin doonaa in askarta iyo saraakiisha ciidanku noqdaan dad ka fayow isticmaalka maandooriyaha, musuqmaasuqa, eexda iyo qabayaalada,. Waxaan samayn doonaa wacyigelin iyo kulamo kor loogu qaadayo wada-shaqaynta bulshada iyo laamaha amniga. Waxaan wax ka qaban doonaa khilaafaadka iyo tabashooyinka bulsho si looga hortago inaysan cadowgu ka faa’iidaysan saluuga bulsho ee jira. Ugu danbayna waxaan samayn doonaa Barnaamij Shaqo qaran oo ardayda iskuulada sare kasoo baxda kor loogu qaadi doono dareenkooda wadaniyadeed, xirfadooda ciidan iyo doorkooda adeega bulsho.